XuquuqahaKuvallinen versio
Awoodda shacabku (Kansanvalta) ma soconayso, haddii aanay shacabku lahayn xuquuqo. Xuquuqaha waxaa lagu sugay dastuurka aasaasiga ah.
Xuquuquhu waxay ku saabsan yihiin xornimada iyo nabadgelyada uu qofku xaqa u leeyahay inuu ku helo bulshada dhexdeeda. Xuquuquhu waxay kaloo sugayaan, inay dadka shacabka ihi ka qaybqaadan karaan gaaridda go'aamada bulshada arrimeheeda laga gaarayo.

Qaranka dimuqraadiga ah xilka saaran waa inuu difaacaa dadka shakhsiyaadka ah xuquuqaha ay leeyihiin.

Tusmo:

Xuquuqaha Finland gudeheeda  
Dastuurka aasaasiga ah   
Xuquuqaha aasaasiga ah ee shacabka 
Xuquuqaha dadka leh dhalashada Midowga Yurub   
Xuquuqaha bini-aadanka

 

Xuquuqaha Finland gudeheeda

Awoodda shacabku waxay ku dhisan tahay oo ku tiirsan tahay sharciga. Sharciyada bulshadu leedahay waxaa dejiya golaha shacabka (baarlamaanka) oo ay shacabku soo doorteen. Xuquuqda aasaasiga ah ee ay shacabku leeyihiin waxay ku qoran yihiin sharciga ugu muhiimsan, kaasoo ah dastuurka aasaasiga ah.

Dastuurka aasaasiga ah wuxuu badbaadiyaa xuquuqda shacabku leeyahay tusaale ahaan sida ka qaybqaadashada (oo ah inuu qofku codeeyo markay doorasho jirto), xornimo iyo nabadgelyo, iyo welibu inuu qofku xaq u leeyahay luuqad, dhaqan iyo diin iyo weliba dhaqaalaha nolosha ee lagama maarmaanka ah. In xor loo ahaado hadalka, kulamada iyo is urursashadu waxay badbaadiyaan irintaanka waxqabadyada shacabka ee dimuqraadigu leeyahay.

Xuquuqaha aasaasiga ah waxay hubaal u yihiin, inay dadka siyaabo kala duduwan uga qayqaadan karaan gaaritaannada go'aamada bulshada arrimeheeda laga gaarayo.

Xuquuqaha aasaasiga waxay kaloo muujinayaan xadadka isticimaalka awoodda maamulka. Mabnuucidda takooridda iyo xaq u lahaanshaha in dacwooyinka lagu qaado maxakamad caddaalad ah waa waxyaabo horistaagaya inaan dadka guumeysi lagu samayn oo aan sidii la doono laga yeeli karin. 

Bogga bilowgiisa 

 

Dastuurka aasaasiga ah

Waddanka sharcigiisa ugu muhiimsan waa dastuurka aasaasiga ah. Sharcigaasi wuxuu saameeyaa qof walba, iyadoon la eegeyn da', jinsi (lab ama dheddig) ama diin.

Dastuurka aasaasiga ah ayey ku qoran tahay sida ay tahay in waddanka Finland loogu taliyo. Dastuurka aasaasiga ah bay xitaa ku qoran tahay, in sharciyada uu dejiyo golaha shacabka oo ah mid doorasho madax bannaan lagu soo doortay. Waxaa kaloo dastuurka aasaasiga ah ku cad waxyaabaha golaha dowladdu (hallitus) ama madaxweynaha jamhuuriyadu go'aanka ka gaaraan.

Dastuurka aasaasiga ah waxaa ku qoran xuquuqda aasaasiga ah ee ay dadku leeyihiin. Qofna looma ogola inuu xadgudub ku sameeyo qof kale xuquuqdiisa aasaasiga ah, xitaa hadday isku qoys ka tirsan yihiin.

Xuquuqaha aasaasiga ah dadka oo dhan way saameeyaan, xitaa kuwa aan xaqa u lahayn inay doorashooyinka codeeyaan. Dadka ajnebiga ah ee Finland deggan xitaa way leeyihiin xuquuqaha aasaasiga ah.

Dastuurka aasaasiga ah wuxuu muujinayaa waxyaabaha Finland loo arko inay muhiim yihiin. Ma jiri karo sharci kale oo ka soo horjeeda dastuurka aasaasiga ah. Dastuurka aasaasiga ah dejintiisa, wax ka beddelidiisa iyo baabi'intiisaba waxaa laga dhigay kuwo ka sii adag sida kuwa sharciyada caadiga ah.

Bogga bilowgiisa

 

Xuquuqaha aasaasiga ah ee shacabka

Xuquuqaha aasaasiga ah ee shacabku ama qofku leeyahay waxay ku qoran yihiin dastuurka aasaasiga ah. Sida caadiga ah qof walba qof ahaan bay u saameeyaan, laakiin xuquuqaha aasaasiga ah qaarkood dadka kale waa lala fushan karaa, sida  tusaale ahaan midda ah in loo madax bannaan yahay in la kulmo.

Mararka qaar haddii iskhilaaf yimaado waxaa dhici karta in qof xuquuqdiisa aasaasiga ah ay ka hortimaado qof kale xuquuqdiisa aasaasiga ah. Tusaale ahaan waxaa dhici karta inuu joornaal daabaco qoraal si xumaan leh u falanqaynaya waxyaabo ku saabsan qof shakhsi ah noloshiisa u khaaska ah. Markaas waxaa iska hor imaanaya xuquuqda ah in hadalka xor loo yahay iyo xuquuqda ah in aan faraha lala gelin qofka noloshiisa khaaska ah. Markaas waxay noqonaysaa in kala doorasho la sameeyo oo labada xuquuqood midkood laga guuleysto.

Qaar ka mid ah xuquuqaha aasaasiga ah:

Xuquuqda codaynta:
Qof walba oo 18 sano u buuxsantay oo dhalashada Finland leh wuxuu xaq u leeyahay inuu doorashooyinku markay jiraan codeeyo. 

Sinnaanta:
Qofna laguma samayn karo eexasho ay sal u tahay qofka jinsigiisa (lab ama dheddig), da'diisa, asalkuu ka soo jeedo, luuqadiisa, diintiisa, naafonimadiisa ama sabab kale oo shakhsi ahaaneed darteed.

Farogelin la'aan, nabadgelyo:
Qof waliba wuxuu xaq u leeyahay inuu helo madax bannaani iyo nabadgelyo iyo inaan shakhsiyadiisa la soo farogelin. Xuquuqahani waa kuwo xitaa dadka qofka qoyskiisa ama ehelkiisa ah aanay xadidi karin. 

U madax bannaanaanta socodka:
Dadku way u madax bannaan yihiin inay waddanka ku dhex socdaan oo ay iyagu doortaan meesha ay deggayaan. Qofka leh dhalashada Finland lagama horistaagi karo inuu waddanka soo galo, waddanka lagama masaafurin karo, looma wareejin karo ama gacanta looma gelin karo waddan kale.

Inaan faraha lala gelin qofka noloshiisa shakhsi ahaaneed iyo hantidiisa:
Qofku wuxuu xaq buu u leeyahay noloshiisa shakhsi ahaaneed iyo nabadgelyada gurigiisa. Dastuurka aasaasiga ah ayaana dhigaya inaan qofna hantidiisa shakhsi ahaaneed lagu xadgudbin.

Xor u noqoshada diinta iyo damiirka:
Qof waliba wuxuu xaq u leeyahay inuu diintiisa aamminsanaado oo waxay farayso sameeyo. Qofku urur diimeed wuu ka tirsanaan karaa ama kama tirsanaan karo, oo isagay ku xiran tahay.

Xor u ahaanshaha hadalka iyo soo bandhigidda:
Finland gudeheeda qof waliba xor buu u yahay hadalka. Qoraallada shaqaalaha dowladda iyo waxyaabaha kale ee la duubaa waa kuwo la soo bandhigi karo.

Xor u ahaanshaha in la kulmo oo la is urursado:
Qof walba xaq buu u leeyahay inuu qabanqaabiyo kulamo oo ka qaybqaato kulamadaas. Qof walba xaq buu u leeyahay inuu aasaaso urur, ka tirsanaado urur, oo uu ka qaybqaato waxqabadyada ururka. Sidoo kale qof walba xaq buu u leeyahay inuusan urur ka tirsanaan.

Xuquuqda waxbarasho:
Qof waliba wuxuu xaq u leeyahay waxbarashada aasaasiga ah oo lacag la'aan ah. Dadkoo dhanna waa inay isku si suuragal ugu ahaataa, inay helaan waxbarashooyinka kale ee aan ahayn waxbarashada aasaasiga ah. Hanti la'aantu qofka kama horistaagi karto inuu waxbarasho helo.

Xuquuqda daryeelka bulshada:
Qofku wuxuu xaq u leeyahay, inuu helo dhaqaalaha nolosha lagama maarmaanka ah iyo daryeelitaan. Qofku haddii aanu awoodin inuu isagu la soo baxo dhaqaalaha nolosha aasaasiga ah, wuxuu xaq u yeelanayaa inuu qaranka ka helo.

Waajibaadyada:
Dadku xuquuqaha ay leeyihiin waxaa weheliya waxyaabo waajibaad dadka saaran ah. Waxyaabaha waajibaadka ah dhammaantood kuma wada qorna dastuurka aasaasiga ah. Dastuurka aasaasiga ah waxaa ku xusan, inay dadka waajib ku tahay inay ka qaybqaataan difaacidda waddanka iyo inay waajib tahay in canshuuraha la bixiyo. Dastuurka aasaasiga ah wuxuu dhigayaa, in la dejiyo sharciyo sheegaya waxyaabaha dadka waajibka ku ah.


Bogga bilowgiisa

 

Xuquuqaha dadka leh dhalashada Midowga Yurub

Qofka leh dhalashada Finland wuxuu leeyahay dhalasahda Midowga Yurub.

Waxaa jira waxyaabo xuquuqo ah oo la xiriira lahaanshaha dhalashada Midowga Yurub, xuquuqahaasi waa sida, inuu qofku xaq u leeyahay inuu si madax bannaani leh ugu socon karo oo uu u joogi karo waddamada Midowga Yurub gudohooda. Sidoo kale qofka leh dhalashada Midowga Yurub (EU:n kansalainen) shaqo wuu ka raadsan karaa oo wuu ka shaqaysan karaa waddan walba oo ka tirsan Midowga Yurub.

Midowga Yurub wuxuu kaloo ilaaliyaa in dadka leh dhalashada Midowga Yurub xuquuqdooda ay ka helaan waddan walba oo Midowga Yurub xubin ka ah.

Bogga bilowgiida

 

Xuquuqaha bini-aadanka

Xuquuqaha bini-aadanka waxaa loola jeedaa waxyaabaha ay dadku xaqa u leeyihiin ee lagu ballanqaaday heshiisyada caalamiga ah ee ku saabsan xuquuqaha bini-aadanka. Xuquuqaha bini-aadanku waa qayb ka mid ah xuquuqda caalamiga ah.

Xuquuqaha aasaasiga ah ee dadku leeyihiin ee waddanka ka jiraana waxay ku qoran yihiin waddan walba dastuurkiisa aasaasiga ah. Waxayna ka mid yihiin sharciyada waddankaas isaga ah ka jira.

Heshiisyada xuquuqaha bini-aadanka intooda badan waxaa sal u ah dhawaaqa xuquuqaha bini-aadanka ee Ururka Qaramada Midoobey (UN) ku dhawaaqay. Heshiisyadaas qodobadoodu waxay la xiriiraan waxyaabaha ku saabsan tusaale ahaan, sidii loo baabi'in lahaa takooridda iyo la dhaqanka dadka loola dhaqmayo si hoose u dhigaysa qiimahooda dadnimo.

Waxaa jira heshiisyo badan oo ah heshiisyada xuquuqaha bini-adanka, oo Finland waajib kaga dhigaya inay ku dhaqanto. Dastuurka aasaasiga ah ee Finlandna waa lagu tixgeliyey heshiisyadaas.

Bogga bilowgiisa