Hababka arrimaha saamayn loogu yeelan karo Kuvallinen versio
Qofku siyaabo badan buu saamayn ugu yeelan karaa go’aangaaridda. Hababka caadiga ah ee arrimaha saamayn loogu yeeshaa waa tusaale ahaan, in markay doorashooyin jiraan la codeeyo, in qofku degmada uu deggan yahay ka noqdo qof haya xil aamminaad leh (luottamushenkilönä toiminen kotikunnassa) amaba inuu qofku ka qaybqaato hawlaha ururka xaafadda (asukasyhdistys).
Qofku siyaabo badan buu saamayn ugu yeelan karaa go'aangaaridda. Hababka caadiga ah ee arrimaha saamayn loogu yeeshaa waa tusaale ahaan, in markay doorashooyin jiraan la codeeyo, in qofku degmada uu deggan yahay ka noqdo qof haya xil aamminaad leh (luottamushenkilönä toiminen kotikunnassa) amaba inuu qofku ka qaybqaato hawlaha ururka xaafadda (asukasyhdistys).

Saamayn ku yeelashada arrimaha waxaa kaloo loo arki karaa si ballaaran. Qaybtan boggageeda waxaa lagu soo bandhigayaa qaar ka mid ah hababka saamaynta loogu yeelan karo arrimaha.

Tusmo:
Nolosha caadiga ah sida wax loo kala door-doorto
Wadahadalka bulshada dhexmara
Koox ahaan isu urursasho
Ka qaybqaadashada go'aamada la gaarayo
Barashada xirfadaha shacabka

 

Nolosha caadiga ah sida wax loo kala door-doorto

Qofku waxyaabaha uu samaynayo ayuu saamayn ugu yeelan karaa. Tusaale ahaan wax gadashada, kharashgaraynta iyo deegaanka dabiiciga ah waxaa la xiriira go'aamo ah sida waxyaabaha caadiga ah ee nolosha la xiriira loogu adeegsan karo saamaynta siyaasad ahaaneed. Ma waxaad rabtaa inaad gadato alaab lagu sameeyey waddanka gudihiisa, mise alaab lagu soo sameeyey waddan kale, mise ma waxaad rabtaa alaab dhibka ay deegaanka debiiciga ah u geysanaysaa yar yahay?

Waxaa laga yaabaa, in waxyaabaha nolosha caadiga ah ee aan maalin walba kala door-doorano saamaynta ay bulshada ku yeeshaan, aanay isla markiiba si cad oo dhakhso ah u muuqan. Hase yeeshee qulqullada yar yar ee biyuhu markay isbiirsadaan waxay samayn karaa biyo xoog u socda. Haddii kumanyaal ama malaayin qof sameeyaan doorashooyin isku mid ah, waxtarka ka soo baxaa wuxuu noqon karaa mid aad u weyn.

Sida nolosha caadiga ah wax loogu saameeyo waxaa ka mid ah, in tusaale fiican la noqdo oo aqoonta lagu faafiyo dadka kuu dhowdhow.

Bogga bilowgiisa

 

Wadahadalka bulshada dhexmara

Hadalka oo xor loo yahay iyo fikradaha oo xor loo yahay waa waxyaabaha qaaliga ah ee aasaaska u ah dimuqraadiga. In la bilaabo wadahadal bulshada dhexmara iyo in wadahadalka laga qaybqaataa waa saamayn ku yeelasho. Waxyaabaha la adeegsanayaa waxay noqon karaan tusaale ahaan fikradda la aamminsan yahay oo joornaalka lagu soo qoro ama xitaa bannaanbax.

Marka wadahadalka bulshada la sameeyo waxaa bannaanka imaanaya arrimo keenaya, inay khasab noqoto, inay siyaasiinta go'aanka gaaraana fikrad ka dhiibtaan. Markay dadku soo bandhigaan arrimaha muhiimka ah waxay sidaas saamayn ugu yeelanayaan waxyaabaha ay go'aanka ka gaarayaan qolyaha go'aanka gaara ee degmooyinka ama golaha shacabka (baarlamaanka).

Laamaha warfaafinta, sida joornaallada iyo telefishanku kaalin muhiim ah bay kaga jiraan waxyaabaha bulshadu ka wadahadasho. Laamaha warfaafintu waxay soo bandhigaan waxyaabaha ay dadka caadiga ahi soo jeediyaan. Laamaha warfaafinta ee sida madaxbannaanida leh u shaqeeyaa waxay sameeyaan in laga wadahadlo waxyaabaha ku saabsan siday dadka shacabka ahi u arkaan inay bulshadu u dhisnaato.

Bogga bilowgiisa

 

Koox ahaan isu urursasho

Dastuurka aasaasiga ahi siduu dhigayo Finland xor baa loo yahay in la kulmo oo la is urursado. Dadka shacabka ah way u kulmi karaan si ay uga wadahadlaan waxyaabaha iyaga muhiimka u ah, si wadajir ahna way ugu dadaali karaan siday u hirgelin lahaayeen arrimahooda.

Sidoo kale dadku xor bay u yihiin inay ururo samaystaan. Xornimadaas si aad ah baa loo isticimaalaa, oo Finland waxaa ka jira in ka badan 100 000 oo urur (yhdistys).

Ururadu waa noocyo badan oo kala duduwan, waxayna u doodaan waxyaabo badan oo kala duwan. Kuwa ugu badan waa naadiyada isboortiga (urheiluseurat), ururada dhaqanka (kulttuuriyhdistykset), ururada waxyaabaha la xiriira hiwaayadaha (harrastus), ururada siyaasadda iyo weliba ururada xoogga saara waxyaabaha deegaankooda ka jira.

Waxaa jira ururo badan oo kaalin weyn ka soo qaatay taariikhda Finland. Ururadaas waxaa ka mid ah ururada joojinta khamriga (raittiusyhdistykset), ururada shaqaalaha (työväenyhdistykset) iyo ururada ku dadaali jirey siday dumarku u heli lahaayeen qaddarin la mid ah tan ragga (sinnaan).

Kooxda codkeeda si fiican loo maqlaa

Ururada dhaqdhaqaaqa, ururada iyo xisbiyadu waxay dadka isugu keenaan siday si wadajir ah saamayn ugu yeelan lahaayeen waxa jira. Inta badan sida koox fikradeeda loo dhegeysto baa ka fiican, sida loo dhegeysto dadka keli-kelida ah fikradooda.

Qofka keligiis ahna kooxda taageero ayuu ka helayaa. Tusaale ahaan qofku markuu ka qaybqaato xisbi hawlihiisa, wuxuu heleyaa jidad u suuragelinaya inuu si toos ah saamayn ugu yeesho go'aamada la gaarayo.

Ururada shacabku waxay awoodaan inay fikradohooda u soo bandhigaan qolyaha go'aanka gaaraya, sidaasna ay saamayn ugu yeeshaan go'aanka la gaarayo. Tusaale ahaan markay jirto arrin wakhtigaas taagan, haddii arrintaas darteed loo aasaaso urur dhaqdhaqaaq, badanaa waa sida ugu dhakhsaha badan, uguna waxtarka badan ee  fikradda la qabo loo soo bandhigi karo. Qolyaha maamulka iyo kuwa go'aanka gaaraya way u sahlan tahay inay la xaajoodaan urur metelaya fikradda ay dad badani qabaan. 

Bogga bilowgiisa

 

Ka qaybqaadashada go'aamada la gaarayo

Dadka shacabka ahi siyaabo badan bay uga qaybqaadan karaan oo saamayn ugu yeelan karaan go'aamada la gaarayo. Saamaynta ugu waxtarka badan waa tan la sameeyo, marka go'aamada diyaarintooda weli lagu jiro. Waxyaabaha la rabo in go'aan laga gaaro weli waxbaa laga beddeli karaa marka lagu jiro heerka soo diyaarintooda.

Go'aamada siyaasadda ah waxaa soo diyaariya shaqaalaha maamulka dowladda ee qaranka iyo kuwa degmooyinka. Inta badan waxaa dhibaato ah, sidii lagu ogaan lahaa waxyaabaha diyaarintooda lagu jiro. Dadka degmada deggan waxaa looga baahan yahay inay waxyaabaha jira ka warhayaan oo kala socdaan tusaale ahaan warisgaarsiinta. Soo diyaarinta go'aanka waxaa ka mid ah, in la soo ururiyo fikradaha ay dadka shacabka ahi ka qabaan arrimaha soo diyaarintooda lagu jiro.

Doorarka uu qofka shacabka ahi ku leeyahay go'aamada la gaarayo

Doorarka uu qofka shacabka ahi ku leeyahay go'aamada la gaarayo waxay yihiin:

  • inuu qofku arrin bilaabo
  • inuu dhegeysashada ka qaybqaato
  • inuu si dhinac walba leh uga qaybqaato
  • inuu wixii dhaliil iyo wixii ammaan ahba soo jeediyo.

Qofka shacabka ah wuxuu qolyaha go'aanka gaara iyo qolyaha maamulka u soo jeedin karaa arrin, ama arrin iyo fikrado buu bilaabi karaa. Qofka shakhsiga ah xitaa wuxuu samayn karaa arrin degmada ku saabsan soo jeediyo oo bilaabo, markaas waxay noqonaysaa in qolada degmada arrimeheeda go'aamada ka gaartaa falanqayn ku sameeyaa oo ay jawaab ka soo bixiyaan arrintaas uu qofku bilaabay. Laakiin qofka shakhsiga ah ma samayn karo inuu bilaabo arrin ah in sharci la dejiyo, taas waxaa samayn kara oo keliya qof xubin ka ah golaha shacabka (baarlamaanka).

Ka qaybqaadashada dhegeysiga macneheedu waa, wakhtiga arrimaha la soo diyaarinayo, maamulku wuxuu ururiyaa fikradaha dadka shacabka ah. Sida loo ururiyaana waa tusaale ahaan, in ururada kala duduwan ee shacabka laga dalbado warbiximo ama waxaa la qabanqaabiyaa munaasabado lagaga wadahadlayo arrinta.

Si dhinac walba leh uga qaybqaadashada waxaa loola jeedaa, in tusaale ahaan ururka shacabku uu qolada maamulka degmada kala qaybqaato oo si wadajir ah ugala fekro oo ula hirgeliyo adeegyada muhiimka ah ee dadka degmada deggan loogu talagalay.

Soo jeedinta wixii dhaliil iyo wixii ammaan ahba waxaa loola jeedaa, in dadka shacabku aragtidooda ka dhiibtaan hadday jirto arrin iyaga muhiim u ah. Tusaale ahaan degmooyinka boggagooda internetka waxaa ku jira bog loogu talagalay in lagu soo gudbiyo wixii la soo sheegayo. Shaqaalaha maamulka waxaa khasab ku ah inay tixgelin siiyaan waxyaabaha ay dadka shacabka ahi soo sheegaan.

Bogga bilowgiisa

 

Barashada xirfadaha shacabka

Si uu dimuqraadigu si fiican ugu shaqeeyo, waxaa lagama maarmaan ah in dadka shacabka ahi yaqaannaan siduu dimuqraadigu u shaqeeyo. Waxaa kaloo iyana muhiim ah in dadka shacabka ah qiimayn karaan sida xukunka loo isticimaalo iyo go'aamada la gaarey. Qoonta waxaa sii kordhiya waxbarashada.

Iskuullada waxaa saaran xil muhiim ah oo ku saabsan sidii dadka loo bari lahaa dimuqraadiga. Nidaamka uu dimuqraadigu u shaqeeyo waxaa lagu dhigaa iskuullada.

Marka dambana waxbarasho mawduuca dimuqraadiga ku saabsan waxaa laga heli karaa tusaale ahaan macadyada waxbarashada ee shacabka (kansalaisopistot) iyo macadyada waxbarasahda ee dadka waawyn (työväenopistot).

Hase yeeshee sida ugu fiican ee lagu barto siduu dimuqraadigu u shaqeeyo waa inuu qofki isagu ka qaybqaato. Tusaale ahaan waxaa laga qaybqaadan karaa ururada shacabka mid ka mid ah hawlihiisa, waxaa la samayn karaa hawlo iskaa wax u qabso ah ama xisbi ka mid ah xisbiyada hawlihiisa, sidaas baana lagu bartaa sida dadka kale loola shaqeeyo oo arrimaha kala duwan loogu doodo.

Aqoonta xirfadaha ee shacabka ee muhiimka ah waxaa iyana ka mid ah tusaale ahaan, inuu qofku awoodo inuu fikradiisa soo bandhigo iyadoo hadal ah ama qoraal ah, inuu wadatashiga yaqaan iyo inuu qofku yaqaan in dadka kale wadajir wax ula sameeyo iyo inuu wadashaqayn la yeesho. Waxyaabahaas oo dhan tababar baa lagu samayn karaa oo waxbarasho lagu barto ayaa la heli karaa.

Bogga bilowgiisa