Ururada shacabka iyo bulshooyinka Kuvallinen versio
Dimuqraadiga waxaa ka mid ah inay jirto bulsho shacab ah oo dadkeedu si madax bannaani leh wax u wada qabsadaan si iskaa wax u qabso ah.
Dimuqraadiga waxaa ka mid ah inay jirto bulsho shacab ah oo dadkeedu si madax bannaani leh wax u wada qabsadaan si iskaa wax u qabso ah

Dadka shacabka ahi waxay samaystaan kooxo offishal ah iyo kooxo aan offishal ahayn oo isku daya inay si wadjir ah arrimohooda u wadaqabsadaan, saamayna ku yeeshaan go'aamada la gaaro.

Dadka noloshooda waxaa mar walba ku soo kordha waxyaabo loo baahan yahay oo ay tahay in qolyaha go'aanka gaara ee qaranka iyo degmadu fikrad ka dhiibtaan. Xor u noqoshada hadalka ayaa suuragelinaysa, inay dadka shacabka ahi soo bandhigaan waxyaabaha ay tabanayaan.

Dadka shacabka ah iyo go'aan gaaridda waxaa si joogto ah uga dhexeeya wax isdhaafsi ku saabsan siday dadku rabaan inay bulshadoodu ahaato.

Ururada shacabka

Dastuurka aasaasiga ahi siduu dhigayo Finland xor baa loo yahay in la kulmo oo la is urursado. Dadka shacabka ah way u kulmi karaan si ay uga wadahadlaan waxyaabaha iyaga muhiimka u ah, si wadajir ahna way ugu dadaali karaan siday u hirgelin lahaayeen arrimahooda.

Sidoo kale dadku xor bay u yihiin inay ururo samaystaan. Xornimadaas si aad ah baa loo isticimaalaa, oo Finland waxaa ka jira in ka badan 100 000 oo urur (yhdistys).

Ururadu waa noocyo badan oo kala duduwan, waxayna u doodaan waxyaabo badan oo kala duwan. Kuwa ugu badan waa naadiyada isboortiga (urheiluseurat), ururada dhaqanka (kulttuuriyhdistykset), ururada waxyaabaha la xiriira hiwaayadaha (harrastus), ururada siyaasadda iyo weliba ururada xoogga saara waxyaabaha deegaankooda ka jira.

Waxaa jira ururo badan oo kaalin weyn ka soo qaatay taariikhda Finland. Ururadaas waxaa ka mid ah ururada joojinta khamriga (raittiusyhdistykset), ururada shaqaalaha (työväenyhdistykset) iyo ururada ku dadaali jirey siday dumarku u heli lahaayeen qaddarin la mid ah tan ragga (sinnaan).

Ururada dhaqdhaqaaqa, ururada iyo xisbiyadu waxay dadka isugu keenaan siday si wadajir ah saamayn ugu yeelan lahaayeen waxa jira. Inta badan sida koox fikradeeda loo dhegeysto baa ka fiican, sida loo dhegeysto dadka keli-kelida ah fikradooda.

Qofka keligiis ahna kooxda taageero ayuu ka helayaa. Tusaale ahaan qofku markuu ka qaybqaato xisbi hawlihiisa, wuxuu heleyaa jidad u suuragelinaya inuu si toos ah saamayn ugu yeesho go'aamada la gaarayo.

Ururada shacabku waxay awoodaan inay fikradohooda u soo bandhigaan qolyaha go'aanka gaaraya, sidaasna ay saamayn ugu yeeshaan go'aanka la gaarayo. Tusaale ahaan markay jirto arrin wakhtigaas taagan, haddii arrintaas darteed loo aasaaso urur dhaqdhaqaaq, badanaa waa sida ugu dhakhsaha badan, uguna waxtarka badan ee  fikradda la qabo loo soo bandhigi karo.

Qolyaha maamulka iyo kuwa go'aanka gaaraya way u sahlan tahay inay la xaajoodaan urur metelaya fikradda ay dad badani qabaan.

Ururada suuqa shaqada

Waxaa jira ururo shaqaalaha wakiil ka ah iyo ururo shaqabixiyayaasha wakiil ka ah, waxaana laysku yiraahdaa ururada suuqa shaqada si weyn bayna arrimaha saamayn ugu yeeshaa.

Ururada shaqaalaha wakiilka ka ah ee la yiraahdo ururada xirfadaha (ammattiliitto) waxaa xubin ka ah dadka shaqeeya in ku dhow afartii qofba saddex ka mid ah. Waddankan aad bay marka waddamada kale loo fiiriyo, u badan tahay inuu qofka shaqaalaha ah ka tirsanaado urur xirfadeed.

Ururada suuqa shaqadu waxay sameeyaan heshiisyada shuruudaha shaqada (työehtosopimukset), kuwaas oo lagaga heshiiyo mushaharada, saacadaha la shaqaynayo iyo waxyaabaha kale ee muhiimka ah ee shaqada la xiriira. Heshiisyada shuruudaha shaqadu isku si bay u saameeyaan dhammaan dadka ka shaqeeya noocyada shaqooyinka ee isku midka aha. Heshiisyadaasi waxay sii kordhiyaan badbaadada shaqaalaha.

Ururada suuqa shaqadu waxay kaloo wadatashi la yeeshaan dowladda. Ururadu suuqa shaqada iyo dowladdu waxay ku heshiiyaan tusaale ahaan waxyaabaha la xiriira sidii horumar loogu samayn lahaa nolosha shaqada iyo canshuuraha.

Awoodda shacabka ee dadka laga tirada badan yahay

Finland waxaa ka buuxa dad ah noocyada laga tirada badan yahay. Waxaaba la dhihi karaa qof waliba si uun buu uga tirsan yahay cid laga tiro badan yahay.

Shacabku wuxuu ka kooban yahay kooxo badan oo dad kala duduwan ah. Waxaa dhici karta inay dadka shacabka ahi ku hadlaan luuqado kala duduwan, sida Finnish, Iswiidhish, Ruush ama Soomaali. Dhaqamadoodu way kala duwanaan karaan ama waxaa dhici karta in qoysaskoodu ka soo guureen waddan kale. Awoodda shacabka waxaa ka mid ah, in kala duwanaanshahaas noocyada badan ah la aqoonsado oo la aqbalo.

Dimuqraadigu ma aha inay dadka shacabka ah intooda tirada badan awoodda leeyihiin. Kooxaha laga tirada badan yahay ee kala duwan xuquuqdooda iyo fikradohooda waa la tixgeliyaa. Dimuqraadigu waa wadahadal wax isdhaafsi ah oo dhexmara dadka kala duwan iyo waxyaabaha ay qiimeeyaan ee kala duwan.

Waxaa jira kooxo badan oo ah kuwa laga tirada badan yahay oo aasaastay ururo, si codkooda loo maqlo. Tusaale ahaan dadka waddanka u soo guurey waxay leeyihiin ururo badan oo taageera dadka ka tirsan bulshada ururkaas aasaasatay. Ururadu waxay dadkooda u soo bandhigaan adeegyo, waxayna sameeyaa hawlo ah inay saamayn ku yeeshaan bulshada.