| Xisbiyada | Tekstiversio |
Tusmo:
Hawlaha xisbiyada
Xisbiyada dowladda iyo xisbiyada ka soo horjeeda
Doorashooyinka
Xisbiyadu waxay tartan ugu jiraan xukunka. Waxay isku dayaan inay golaha shacabka iyo golayaasha degmooyinka ku yeeshaan boosas badan oo ah ilaa intii suuragal ah. Xisbiyadu waxay kaloo isku dayaan inay ka mid noqdaan dowladda waddanka u talisa (hallitus), sababtoo ah dowladda waddanka u talisaa waa qolada leh awoodda ugu muhiimsan ee arrimaha maamulka waddanka.
Xisbiyadu siyaasad ahaan bay masuul uga yihiin go'aamada. Haddii xisbigu siyaasadiis ku guuldaraysto, waxaa dhici karta in aanay dadku xisbigaas cod siin doorashada soo socota.
Xisbiyada Finland asalkoodu wuxuu ka soo jeedaa sannadihii 1800. Xisbiyadu waxaa loo aasaasay si ay u fuliyaan waxyaabo ay dadku u arkayeen inay muhiim u yihiin.
Xisbiyadu waxay siyaasad ahan u kala qaybsamaan kuwo dhinaca bidixda ah iyo kuwo dhinaca midigta ah iyo kuwo bartamaha ah. Xisbiyada dhinaca bidixdu waxay caadi ahaan u dooda dadka shaqaalaha ah. Xisbiyada dhinaca midigtuna waxay caadi ahaan u doodaan sida dadka ganacsadayaasha ah oo kale. Dadka baadiyaha deggan waxay caadi ahaan taageeraan xisbiga Bartamaha.
Waxyaabihii xisbiyada salka u ahaa ma aanay lumin ee xoogaa way is beddeleen oo sidii hore ma aha. Wakhtigan hadda la joogo dadka shacabka ahi waxay dareemayaan, inay ku adag tahay inay ogaadaan waxay xisbiyadu ku kala duwan yihiin. Taasina waxay adkaysaa, siduu qofku ku dooran lahaa xisbiguu u codayn lahaa.
Inkastoo la moodo inay xisbiyada oo dhan ka hadlaan waxyaabo isku mid ah, haddana xisbiyadu waxay ku kala duwan yihiin waxyaabaha ay xooga saaraan.
Xisbiyadu waxay isku dayaan inay fuliyaan waxyaabaha danta u ah dadka xisbiga xubnaha ka ah iyo dadka u codeeya. Xisbiyadu waxay isku dayaan inay hirgeliyaan siyaasad keeneysa inay sii fiicnaato nolosha dadka xisbiga taageersan.
Go'aan gaaridda siyaasadu waxay u baahan tahay, inay jiraan xeerar la isku og yahay iyo waxyaabo la caadeystey. Xisbiyadu way yaqaanaan hababkaas.
Maxaa dhici lahaa haddii golaha shacabku aanu lahaan lahayn xisbiyo ee xildhibaan waliba keligiis iskiis u shaqayn lahaa? Markaas waxaa aad u adkaan lahaa, in wax go'aan ah la gaaro.
Si tartiib tartiib ah ayey xildhibaanadu u dareemi lahaayeen, inay u baahan yihiin inay is urursadaan oo ay koox koox noqdaan, si ay u raadiyaan danta guud. Waxaa samaysmi lahaa kooxo mid waliba ka kooban tahay dadka isku sida u fekera, wadashaqayntoodu waxay noqon lahayd mid qoto dheer. Marka dambana waxay noqon lahayd in golaha shacabka ay ka jiraan xisbiyo.
Xisbiyado waa dad is urursaday oo bulsho noqday. Xisbiyada waxaa sameeya dad caadi ah. Xisbi ahaanna waxay u qabtaan waxyaabahay u arkaan muhiimk - taasoo macneheedu yahay siyaasadda ayey ka qaybqaataan.
Marka golaha shacabka la doorto, xisbiyada golaha shacabku waxay u qaybsamaan laba kooxood, kooxna waa tan dowladda ee xukunka haysa, kooxna waa tan ka soo horjeeda.
Xisbiyada dowladdu waa kuwa dowladda ku jira. Xisbiyada ka soo horjeedaana waa kuwa aan dowladda ku jirin. Shaqadooduna waa inay soo bandhigaan wax lagu beddeli karo siyaasadda dowladu wado, ayna dhaliilo ka soo jeediyaan go'aamada la gaarey.
Sida caadiga ah xisbiyadu waxay isku dayaan inay dowladda ka mid noqdaan, sababtoo ah markay dowladda ku jiraan bay awood badan leeyihiin. Sida caadiga ah xisbiyada dowladda ku jiraa waa kuwa doorashada ku guuleystey. Doorashada ka dib waxaa la yeeshaa wadahadalo lagaga tashanayo sidii dowlad loo soo dhisi lahaa, waxaana lagu heshiiyaa xisbiyada dowladda ka tirsanaanaya.
Qofka markay 18 u buuxsanto wuxuu xaq u leeyahay, inuu codeeyo doorashooyinka iyo codaynta shacabka.
Dadka ajnebiga ah ee sida joogtada ah waddanka u deggan way ka qaybqaadan karaan doorashooyinka golaha degmooyinka iyo codaynta shacabka ee degmooyinka. Doorashooyinka golaha degmooyinka waxaa codayn kara qof walba oo da'diisu tahay ugu yaraan 18 sano oo leh dhalashada Finland ama dhalashada waddan kale oo Midowga Yurub ka tirsan, ama leh dhalashada Iceland ama Norwey. Qofku si uu degmada uga codeeyo, waa inuu degmadaas degganaa doorashada ka hor ugu yaraan 51 maalmood. Qofka ajnebiga ah ee laba sannadood Finland ku lahaa degmo uu deggan yahay, wuu codayn karaa doorashoyinka golaha degmooyinka (kunnallisvaalit).
Qof walba oo leh dhalashada Finland oo ay u buuxsantay 18 sano, wuxuu codayn karaa:
Dadku waxay golaha shacabka doorasho ku doortaan afartii sanaba mar.
Madaxweynaha waxaa la doortaa lixdii sanaba mar. Xildhibaanada Finland ee baarlamaanka Yurub waxaa la doortaa shantii sanaba mar. Wakiilada golaha degmooyinka waxaa la doortaa afartii sanaba mar.
Qofka ajnebiga ah ee sida joogtada ah Finland u deggan ee ay 18 sano u buuxsantay wuxuu codayn karaa:
Qofka shacabka ahi wuxuu codkiisa sin karaa hal qof oo musharax ah. Doorashooyinka oo dhan waa sir. Qofna uma baahna inuu ogaado, qofka uu qofka kale codkiisa siiyey.