Ku soo dhawow boggaga internetka ee Awoodda shacabka (kansanvalta.fi)!Tekstiversio
Mudanaha sharafta lehow, ku soo dhawow boggaga internetka ee Kansanvalta.fi. Boggaga waxaa loogu talagalay qof walba oo xiiseeya ka qaybqaadashada siyaasadda iyo saamayn ku yeelashada bulshada arrimeheeda. Boggaga waxaa laga helaa warar ku saabsan xuquuqaha ay shacabku leeyihiin, hababka arrimaha saamayn loogu yeelan karo, bulshada shacabka ee Finnishka iyo sida loo gaaro go’aamada siyaasadda.
Boggaga waxaa aasaas u ah nidaamka metelaadda dimuqraadiga ah ee Finnishka. Samaynta siyaasaddu ma aha codaynta doorashada iyo dejinta sharciyada oo keliya.

Waxaa jira waxyaabo badan oo ah waxyaabaha aan maalin walba nolosheena caadiga ah kala dooranno oo saamaynsiyaasadeed ah. Dadku waxay doorasho ku sameeyaa waxyaabaha ay isticimaalayaan, dadku iyagoo qabanaya hawlaha ururada shacabka ayey ku dadaalaan siday u hagaagi lahaayeen waxyaabaha ay u arkaan inay muhiim yihiin, ama waxay qabtaan xilalka aamminaad lehee degmadooda. Dadku iyagoo adeegsanaya ururka metelaya xaafadda ay deggan yihiin ayey rabaan inay ka qaybqaataan xaafadooda qorshaynteeda, guddiga ardaydu wuxuu horumar ku sameeyaa iskuulka, guddiga waayeelku waxay ka fekeraan sidii ay dadka waayeelka ahi u heli lahaayeen adeegyo sidii hore ka sii fiican. Waxyaabaha caadiga ah ee uu qofku sameeyaa xitaa waa Saamayn siyaasadeed.

Dareen iyo waxqabad

Dareenka ah in arrimaha saamayn lagu yeesho wuxuu inta badan qofka ku dhashaa markay timaado arrin qofka noloshiisa si uun u taabatay. Haddii aanu dareen jirin inta badan waxqabadyada shacabkuna ma jiraan. Hase yeeshee dareenku keligiis kuma filna, ee waxaa kaloo loo baahan yahay warar aqoon ah. Wararka loo baahan yahay waa wararka ku saabsan hababka arrimaha saamayn loogu yeesho iyo xuquuqaha ay leeyihiin dadka shacabka ah, waxaa loo baahan yahay wararka ku saabsan sida si dimuqraadi ah loogu gaaro go'aamada dadka ka dhexeeya, wararka ku saabsan marka la awoodo ee ay tahay in arrimaha saamayn lagu yeesho.

Dadka intooda badani waxyaabaha siyaasadda la xiriira waxay u arkaan inay yihiin waxyaabo adag oo iyaga ka fog. Boggaga Kansanvalta.fi waxaannu isku deyeynaa inaannu dadka si cad oo sax ah ugu sheegno waxyaabaha ku saabsan dimuqraadiga Finnishka. Boggagan mooyee waxaad kaloo akhrisan kartaa oo aad faahfaahin dheeraad ah ka heleysaa boggaga ku qoran af Finnishka ama af Ingiriiska. Waxaannu rajeyneynaa, inaad hesho sahay kugu hagaajisa dariiqa saamaynta arrimaha.

Maamulka Kansavalta.fi